Uncategorized

Diyaaradaha Dagaalka Kenya oo duqeeyay Shabaabkii weeraray Belad-Xaawo.

Belad-Xaawo-KNN-Diyaaradaha dagaalka Milatariga Dowladda Kenya ayaa la sheegay in maanta ay duqeeyeen Dagaalamayaashii Shabaab ee weeraray Degmada Belad-Xaawo ee gobalka Gado sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha maamulka Jubbaland ee gobalka Gado.

Deegaanada ay Ciidamada duqeeyaan ayaa kala ah Carro Cade iyo Sur-waaley oo qiyaastii 14 km duleedka kaga beegaan Belad-Xaawo ee gobalka Gado, waxaana Shabaabka la duqeeyay ay ahaayeen Dagaalamayaashii weeraray Saakay aroortii hore degmada Belad-Xaawo.

Ilaa hadda lama ogo Khasaaraha ka dhashay duqeynta ay Diyaaradaha Ciidanka Kenya ka geesteen Duleedka degmada Belad-Xaawo ee gobalka Gado.

Al-Shabaab ayaa saakay Aroortii hore weerar ku bilaawday Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ku qaaday degmada Beled-Xaawo ee gobalka Gado waxaana weerarkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray Ciidanka Daraawiishta ee Jubbaland.