Uncategorized

Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn cirka ah ka bilaabaya Gudaha Dalkaasi.

Nairobi-KNN-sida ay maanta oo Isniin ah ay baahiyeen Warbaahinta Dalka Kenya ciidamada KDF ee dalkaasi ayaa qorsheeyay in ay duqeyn dhanka cirka ah ay ka fuliyaan dhulka keynta ah ee Bonis ee wadankaasi Kenya halkaas oo la aaminsan yahay in Al-Shabaab ay Ku xoogan yihiin.

Howlgalkaan ayaa La sheegay in uu ahaan Doono Mid Diyaaradaha Dagaalka ee Kenya ay Bambooyin ku Garaaci Doonaan Gudaha Keynta sida uu sheegay Agaasinka Dhanka Howlgalada ee Keynta Boni Joseph Kanyiri.
Sargaalkaan oo Warfidiyeenada kula Hadlay ismaamulka Lamu ayaa Ugu Baaqay Dadka shacabka ah Gaar ahaan Xoola Dhaqatada in ay Ka Fogaadaan Goobaha Gaar ahaan Agagaarka Keynta.
Mr Kinyiri ayaa sheegay in shacabka Laga Doonayo in 48 Saac ee soo aadan ay shacabka Kaga Fogaadaan Aagaasi Waxaa Isagoo intaa Raaciyay Cidii aan Qaadan Awaamiirtaas ay ula Macaamili Doonaan Sida Argagixsada.
Xoolo Dhaqato Badan oo Ku Nool ismaamulka Lamu ayaa Maalin Walba waxaa ay Daaq ugu Raadsadaan Gudaha Keynta Waxaana Marar Badan Saraakiisha Amaanka ay uga Digeen in Goobahaas aan la tagin.
Dhanka Kale Agaasinka Dhanka Howlgalada ismaamulka Lamu ayaa Sheegay Dhibaato iyo Handadaad Dhanka Amniga ah ku hayaan Al-Shabaab shacabka Ku Nool ismaamulka Lamu oo Dhaca Gobolka Xeebta Dalka Kenya.
Dadka Rayidka ah ee Horay uga Barakacay Weerarada ku soo Noq Noqday aagaasi ayaa Dhankooda waxaa loogu Baaqay in ay ku sii sugnaadaan Xeryaha Dowladana ay Xaqiijin Doonto Amnigooda.