Hobyo-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay markale duqeymo ka fuliyay Deegaano ka tirsan degmada Xarardheere ee koofurta gobalka Mudug.
Duqeynta ayaa waxaa lala beegsaday Saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaano hoostaga degmada Xarardheere.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in Cabsi badan ay soo wajahday, iyagoona ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay dadka bartilmaameedsadaan.
Waa weerarkii afaraad oo diyaaradaha dagaalka ay duqeymo ka fuliyaan Deegaano ka tirsan gobalka Mudug.


