Muqdisho-KNN-Israel ayaa weerartay baro ay leeyihiin military-ga Suuriya oo ku yaala koofurta dalka waxaana ku dhintay Sedax Askari halka ay ku dhaawacmeen Todobo kale, sida ay warisay Waraahinta Dowladda Suuriya.
Military-ga Suuriya ayaa xaqiijiyay weerarka kadib qoraalo is xig-xigay oo twitter-ka lagu daabacay, waxaana ciidanku sheegay in ay uga jawaabeen labo gantaal oo ay ku rideen buurta Hermon. Mid ka mid ah gantaaladda ayaa ku dhacay Dhulka Isra’iil waxaana la sheegay in uusan khasaare ka dhalan.
Warbahinta Dowladda ee Sana ayaa ka soo xigatay sarkaal military oo aysan magaciisa sheegin weerarka Israa’iil uu saameeyay Saldhigyo military oo ku yaala gobolka koofureed ee Quneitra oo u dhow dhulka ay Isra’iil heeysato ee Golan Heights.
Military-ga Israa’iil ayaa sheegay in ay beegsadeen Gaadiidka gantaaladda xambaara ah, xarumo sirdoon iyo waaxda difaaca hawadda.