Uncategorized

Diyaaradaha Maraykanka oo duqeyn ka fuliyay Gobalka Baay.

Baydhabo-KNN-wararka naga soo gaarayo Gobalka Baay ee koonfurta Soomaaliya diyaaradaha Dagaalka ee Dowladda Maraykanka ayaa duqeyn ka fuliyay deegaan ugu 160 KM u jira magaalada Muqdisho.

Taliska Millitariga Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntii ay fuliyeen ay ku dileyn Dagaalamayaal badan oo ka tirsan Al-Shabaab kadib dhowr Gantaal oo ku dhacday Saldhigooda.

Duqeyntan cirka ah ayaa galabnimadii Khamiistii waxa ay ka dhacday gobolka Bay gaar ahaan meel qiyaastii 160-KM dhinaca galbeed kaga beegan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, Sidaasi waxaa lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Maraykanka ee Africa (AFRICOM).

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed oo ay la xariirtay KNN ayaa sheegay in aysan ka war qabin duqeynta balse faah faahinteeda ay dib ka soo sheegi doonaan.

Ma cada in Khasaare soo gaaray dad Shacab ah.