Somali News

Diyaaradaha Mareykanka oo bur-buriyay Gawaari Qaraxyo oo Muqdisho ku soo wajahnaa 

Marka-KNN-Wararka ka imaanayo magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Ciidamada Soomaaliya ee Kumaandooska iyo kuwa Mareykanka ay bur-buriyeen Gawaari Qaraxyo sida oo ku wajahnaa magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha drones ee Mareykanka ayaa la sheegay in ay dhowr gantaal ku dhuftay gaadiid la sheegay in ay Qaraxyo ku rarnaayeen oo marayay degaanka Jilib Marka oo katirsan degmada Marka ee xarunta Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Ciidamada DANAB ayaa la sheegay in ay halkaasi ku toogtay ilaa dhowr dagaalame oo Al-shabaab ah kuwaas oo ay ku jiraan xubno sar sare sida ay sheegayn Saraakiisha xoogga dalka.

Xubnaha la dilay ayaa waxaa la sheegay inuu kamid yahay Madaxdii Amniyaadka Al-shabaab ee Gobalka Shabeelaha Hoose iyo Saraakiil kale oo xilal muhiim ah ka haayey Al-Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Taliska Xoogga dalka Soomaaliya.