Somali News

Diyaaradaha qumaatiga u kaca oo ka qeyb galaya xuska 1 Luuliyo

Diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah ayaa magaalada Muqdisho ku daadiyay warqado ay ku qoranyihiin halku dhegyo lagu xusayo maalmaha xorriyada.

Diyaaradaha oo dhowaan dowladda Soomaaliya soo iibsatay ayaa qeyb ka ah xuska maalinta xurnimada Koofur iyo la midowgii gobollada Waqooyi.

Boqolaal shacab ah ayaana munaasabadda uga qeyb galay barxadda daljirka Daahsoon.