Somali News

Diyaaradaha Turkiga oo weeraray saldhigyo uu leeyahay ururka PKK

Muqdisho-KNN- Diyaaradaha dagaalka Turkiga ayaa duqeyn ka geystay magaalooyinka ku yaala waqooyiga dalka Ciraaq oo ay saldhigyo ku leeyihiin jabhadda hubeysan ee PKK.

Wasaaradda gaashaandhiga Turkiga ayaa sheegtay in diyaaradahooda ay bartilmaameysteen illaa 80 saldhig oo ururka Kurdiyiinta PKK ku leeyihiin waqooyiga Ciraaq halkaasoo laga soo abaabulay weeraro lagu qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Turkiga.

Magaalooyinka la duqeeyay waxaa ka mid ah magaalada Sinjar la yiraahdo oo ururkaan ku xoogan yahay.

Militryga Turkigu waxaa uu sheegay in bur buriyay bakhaaro keyd hub u yaalay kooxda PKK oo dawlada Turkiga dagaal kula jirta.