Uncategorized

Diyaaradaha Yahuuda oo duqeyn ka geystay xero ay degenyihiin ciimada Syria.

Dimishiq: Ugu yaraan 2 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena
waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dagaalka Yahuudu ay
duqeyn ka geysteen xarumo ciidan oo ku yaala magaaladda Dimishiq ee
xarunta dalka Syria.
Sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Syria ee SANA duqeyntaan ayaa
ka dhacday xaafado ku dhaw xarun ay degenyihiin ciidamada Syria iyo
saaxibadooda sida warka lagu yiri.
Warka SANA ayaa lagu sheegay in gantaalo ku dhaceen dhismooyin ay dad
rayid ah degenyihiin xaafadda Saasa oo duleedka Dimishiq ku taala.
War kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay inay
bartilmaameysteen saldhigyo ay ciidamo Iraniyiin ah ku leeyihiin gudaha
dalka Syria kywaasooi qorshaynayay weeraro Israel lagu qaado.
Militryga Israel waxay sidoo kale sheegteen inay qabteen 4 gantaal oo
dhanka Syria looga riday.