Somali News

Diyaaradaha Yahuuda oo duqeyn ka geystay xero ay degenyihiin ciimada Syria

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 2 ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha dagaalka Yahuudu ayduqeyn ka geysteen xarumo ciidan oo ku yaala magaaladda Dimishiq ee xarunta dalka Syria.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka dalka Syria ee SANA duqeyntaan ayaa ka dhacday xaafado ku dhaw xarun ay degenyihiin ciidamada Syria iyo saaxibadooda sida warka lagu yiri.

Warka SANA ayaa lagu sheegay in gantaalo ku dhaceen dhismooyin ay dad rayid ah degenyihiin xaafadda Saasa oo duleedka Dimishiq ku taala.

War kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay inay bartilmaameysteen saldhigyo ay ciidamo Iraniyiin ah ku leeyihiin gudaha dalka Syria kywaasooi qorshaynayay weeraro Israel lagu qaado.

Militryga Israel waxay sidoo kale sheegteen inay qabteen 4 gantaal oo dhanka Syria looga riday.