Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in halkaasi xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duqeyn sida dadka deegaan ay u sheegeyn Radio Kulmiye.
Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay bartilmaameedsadeyn Saldhigyo Dagaalamayaasha Al-shabaab ay ku leeyhiin Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo.
Dhowr gantaal ayaa la tilmamay in Saldhigyadaasi lagu garaacay sida Dadka degaanka ay inoo sheegeen.
Saldhigyadaasi la duqeeyey ayaa waxaa Maamula Dagaalamayaasha Al-shabaab,iygoona sidoo kale deegaankaasi ku leh Bar kontorool.
Dadka degaanka sidoo kale waxaa ay sheegeen in duqeyntaasi Khasaaro lagu gaarsiiyey Xubnihii shabaabka ahaa ee ku sugnaa Degaanka la duqeeyey ee Buusaar.
Gobolka Gedo ayaa waxaa uu kamid yahay gobolada Soomaaliya oo ay degaano badan kaga sugan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab,waxaana Gobolka inta badan Duqeymo ka fuliya Diyaaradaha Mareykanka iyo Kuwa Kenya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee soomaaliya.