Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin degmada Jilib ee Gobalka Jubada Dhexe.
Duqeynta ayaa la sheegey in ay ku dhacday saldhig iyo xarumo ay halkaasi ku leeyihiin Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Xarumaha la duqeyay oo lagu sheegay 2 xarumood ayaa la tilmaamayaa in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaasi diyaarinayeen waxyaabaha qaraxyo.
Ila xog ogaal ah ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay u qeybsamihii Al-shabaab ee Gobolka Banaadir, iyadoona intaasi ay wararka ku darayaan in la bur buriyay saanad melateri oo ay leeyihiin Al-Shabaab.
Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay duqeymo ka fulinayaan saldhigyada Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.