Somali News

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Degmooyinka Jilib iyo Jamaame.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya  degmada Jilib ee Gobalka Jubbada Dhexe  ayaa sheegaya in diyaarado dagaal ay duqeymo  ka fuliyeen  Degmadaasi.

Weerarka ayaa la sheegey in  lala beegsaday xubin sare oo ka tirsanaa Al-shabaab , waxaana sargaalkan  la weeraray magaciisa lagu sheegey Maxamed.

Goobjoogayaal  ayaa KNN u  sheegay in dhawaqa  gantaalo xoog badan ay maqleen Xalay, iyagoona cabsi badan soo wajahday.

Sidoo kale Goobjoogayaasha ayaa Sheegaya in  sarkaalkaan la beegsaday inuu si weyn ugu dhowaa hogaamiyaha lagu magacaabo Abuu Cubeyda.

Dhanka kale degmada Jamaame oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya  in xalay duqeyn ay ka dhacday degmadaasi, waxaana sidoo kale la sheegay in lala beegsaday hogaamiye lagu magacaabo Cabdinur Xuseen oo ahaa saraakiishii Axmed Godane si dhow ula shaqeynayey, kaas oo la sheegey in uu u qaabilsanaa xagga qorshayaasha.

Dhimashada ayaa la sheegaya in ay gaartay shan xubnood oo ka tirsan Al-shabaab waxaana jira dhaawacyo, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeen tiradooda.

Magaalooyinka Jilib iyo jamaame oo ka kala tirsan Jubada dhexe iyo Jubada hoose ayaa la sheega in  Al-shabaab ay ku leeyihiin keydadka hubka iyo xarumo lagu tababaro dhalin yarada ka tirsan Al-Shabaab qaraxyada fuliya, sida ay noo sheegeen ilo Madax banaan oo ku sugan Jubbooyinka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ka tirsan Gobalada Jubbooyinka oo ay ku sugan yihiin Xubnaha ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.