Diyaarado dagaal ayaa waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacday deegaan duleedka kaga beegan degmada Ceelcade ee Gobolka Gedo, iyadoona khasaaro xoogan uu ka dhashay duqeyntaasi.
Diyaarado Dagaal ayaa la sheegay inay dhowr Gantaal ku garaaceen deegaankaasi oo ay Fariisimo ku leeyihiin Al-Shabaab.
Sarkaal ka tirsan Sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday dhowr xarun oo ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha ayaa waxaa ay sheegeen in ay faah faahin ka bixi doonaan Khasaaraha la gaarsiiyay Al-Shabaab