Somali News

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Gobalka Gedo.

Gedo-KNN-Xalay saqdii dhexe ayaa waxaa ay diyaarado dagaal duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Duqeynta ayaa waxaa la sheegay in ay ka dhacay deegaanka Ceel-cade oo dhawaan weerar khasaaro geystay lagu qaaday  Ciidamada Kenya,gaar ahaan kuwa ku sugan  tuulooyinka Qansax Oomane,Maka iyo deegaano kale.

Dadka Deegaanka ayaa KNN u Sheegay in duqeynta ay ku dhacday xaafado ay ku sugnaayeen dad shacabka, waxaana la sheegay in 6 qof ay ku dhaawacmeen duqeynta.

Ilo wareedyo ayaa Sheegaya in Gantaalada qaar lagu dhuftay xarumaha ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn Khasaaraha soo gaaray Shabaab.

Inta Gobalka Gedo ayaa waxaa duqeymo ka fuliya Diyaaradaha Kenya, iyadoo ay xusid mudan tahay in ciidamo ka tirsan Kenya ay joogaan qeybo badan oo ka mid ah Gobalkaasi.

Maalin ka hor ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobalada Shabeelaha dhexe iyo Jubbada Dhexe.