Somali News

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Jubbada Dhexe iyo Shabeellada Hoose.

Muqdisho-KNN-Waxaa faah-faahino laga helayaa duqeymo xoog leh oo xalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Shabeellada Hoose iyo Jubbada Dhexe, kuwaas oo lala beegsaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaaab, iyadoona halkaasi lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeynta koowaad ayaa ka dhacday Jubbada Dhexe, waxaana la sheegay in halkaas lagu burburiyey Xarun ciidan oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen duleedka gobolkaasi, waxaan la sheegay inay  duqeyntaas ku dhinteen dagaalamayaal ku sugnaa xeradaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka ayaa sheegay in diyaarado dagaal ay duqeymo ka fuliyeen xarun ay isku aruursanayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in deegaanka Haway lagu dilay sarkaal lagu magacaabi jiray Daahir Macalin, halka degmada Sablaale lagu dilay ku xigeenka Al-Shabaab ee Axmed Nuur iyo dagaalamayaal la socday

 Mudooyinkii dambe ayaa waxaa sii kordhaya weerarada dhanka cirka  ah ee lagu qaado saldhigyada Al-shabaab ay ku leeyihiin gobalada dalka , waxaana sidoo kale jirta in todobadyadii la soo dhaafay Al-Shabaab dagaal adag lagula galay gobalka Shabeellada Hoose.