Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Deegaanada ay duqeynta ka dhacday ayaa waxaa ka mid ah Luuq jeelow iyo Oronta oo dhamaantood hoostaga Magaalada Baladweyne.
Dadka Deegaanka ayaa KNN u sheegay in ay maqleen dhawaqa madaafiic ay ridayaan diyaaradaha, waxaana ay sheegeen in la bartilmaameedsaday Saldhigyo iyo bar kontarool oo Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobalka Hiiraan.
Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyn ka dhacay deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.
Maamulka Gobalka hiiraan ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin duqeynta ka dhacday gobalkaasi.
Dhawaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal sidan oo kale ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka Luuq Jeelow ee Gobalka Hiiraan.