Uncategorized

DHAGEYSO:-Diyaarado dagaal oo maanta lagu arkay Magaalada Cadaado.

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta magaalada lagu arkay Diyaarado Dagaal oo joog hoose ku socda oo la sheegay in ay ku soo laab-laabtayn deegaano hoos yimaada degmada Cadaado ee G/Galagduud.

Lama ogga u jeedka diyaaradahaasi dagaal ee dul heehaabaya magaalada Cadaado ee G/Galagduud iyo dalka laga leeyhay Diyaaradajaasi.,

Dadka deegaanka oo KNN la hadlay waxa baqdin ka muujiyeen Diyaaradahaasi Dagaal ee joog hoose ku socda.

Maamulka degmada iyo kan Galmudug ayaa wali ka hadlin diyaaradahaasi jooga hoose ku socda ee maanta lagu arkay iyaga oo ku soo laab-laabanaya deegaano hoos yimaada degmada Cadaado ee G/Galagduud

Halkaan ka dhageyso wariyaha KNN ee Cadaado Sharmaarka Maxamed Maxamuud oo arintaan aan ka wareysanay.