Uncategorized

Diyaarado dagaal oo maanta lagu arkayo galbeedka gobalka hiiraan.

Hiiraan-KNN-Wararka naga soo gaaraya degaanka ceelcade ayaa sheegay in maanta diyaarado dagaal lagu arkay galbeedka degaano ka tirsan gobalka hiiraan.

Degaanada lagu arkay diyaaradaha ayaa waxaa ka mid ah degaanka ceelcadde,ceel cali  iyo farlibaax oo kawada tirsan gobalka hiiraan,xili la sheegay in dagaalamayaal badan oo Shabaab ah halkaasi ay dhaq-dhaqaaq ciidan ay ka wadaan.

Dadka Degaanka ee galbeedka gobalka hiiraan ayaa sheegaya in shacabka ay cabsi badan ka muujinayaan diyaaradahan maanta dul heehaabaya degaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Sidoo kale wariyaheena gobalka hiiraan ee idaacadda kulmiye Maxamed Cabdi sanay ayaa waxaa uu ku soo waramayaa in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ay ka soo gudbayaan xadka ay wadaagaan gobalada hiiraan iyo bakool.

Mudooyinkii dambe diyaaradaha dagaalka mareykanka ayaa duqeymo ka fulinayay qaar ka mid ah  gobalada oo ay saldhigyo ku leeyihiin dagalamayaasha ka tirsan Ururka Al-Shabaab,iyadoona ay xusid mudan tahay in Shabaabka iyaga ay bilaabeen sidii ay ugu baxsan lahaayeen duqeymaha ay geysanayaan diyaaradaha mareykanka.