Somali News

Diyaarado dagaal oo mar kale duqeeyay koofurta gobalka Mudug.

Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal ayaa markale waxaa ay xalay duqeymo ka fuliyeen Tuulooyin Hoostaga Deegaan Caad Ee Gobolka Mudug Sida ay noo  Xaqiijiyeen Dadka Deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Duqeynta ay dhacday xalay saqdii dhexe, islamarkaana la bartilmaameedsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaano ka tirsan Gobalka Mudug.

Qof goobjooge ah ayaa KNN u sheegay in  diyaarado dagaal ay maanta Dul Heehaabayeen Deegaanada ay Duqaymaha Ka fuliyin, islamarkaana cabsi badan ay ka jirto deegaankaasi.

Shalay ayay Ahayd Markii Diyaarado Dagaal ay Duqaymo Sidan Oo Kale Ka fuliyeen Deegaano Hoostaga Degmada Xarardheere Ee Gobolka Mudug