Uncategorized

Diyaarado Dagaal oo Xalay Duqeeyay Degaanka Beer-xaano ee Gobolka Jubbada Hoose

Beer-xaano–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degaanka lagu Magacaabo Beer-xaano oo u dhow Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Xalay Fiidkii Diyaarado dagaal ay duqeeyeen Fariisimo Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaankaas.

Duqeynta ayaa la sheegay in Diyaaradahu ay la Bartilmaameedsadeen Saldhig Al-shabaab ay ku leeyihiin Degaanka Beer-xaano,waxaana dadka Degaanka laga soo xigtay in Dhowr Gantaal ay ku dhufteen halkaas Diyaaradaha Wax Duqeeyay Degaanka Beer-xaano.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sheegay in Duqeyntaas lagu dilay 15 Dagaalame oo Labo kamida ay yihiin Saraakiil Xilal ka hayay Al-shabaab.

Taliyaha Qeybta 43 Aad ee ciidanka Xoogga Dalka Ggeneral Ismaciil Saxardiid ayaa Warbaahinta Dowladda u sheegay in Labada Sargaal ee Shabaabka ah ay kala ahaayeen Madaxii Sakawaadka Degaanka Beer-xaano iyo kii Amniyaadka Degaankaasi.

Duqeynta Diyaaradeed ayaa loo maleynayaa in ay Fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha la heyn Ee laga leeyahay Wadanka Mareykanka,mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Mareykanka oo ku aadan Duqeynta Xalay ka dhacday Degaanka Beer-xaano ee Gobolka Jubbada Hoose.