Uncategorized

Diyaarado dagaal oo xalay duqeeyay qeyba ka mid ah Jubada dhexe.

Jilib-KNN-Faah Faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weeraro dhinaca cirka ah oo xalay ka dhacay qeyba ka mid ah Gobalka Jubada dhexe sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goob Joogayaal ku sugan degmooyinka  Jilib iyo Kamsuuma ayaa ku waramaya in ay maqleen Madaafiic culus oo xalay saqdii dhexe taas oo lala eegtay goobo ay dagan yihiin Al-Shabaab.

Duqeyntan ayaa la sheegay in xalay saqdii dhexe ay dhacday, iyadoo la sheegay in duqeynta ay ka dhacday tuulo lagu magacaabo Sheekh Axmed Yare oo ay maamulaan Al-Shabaab lamana oga Khaaraha ka dhashay.

Saraakiisha amaanka Jubabaland ayaa KNN u sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay duqeyntan, hase ahaatee si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeyntan loo maleynayo inay fulisay diyaaradaha aanay cidna wadin ee Drone loo yaqaano kuwaas oo laga leeyahay dalka Maraykanka.