Uncategorized

Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn la beegsaday Shabaab ku sugnaa degaanka Mubaarak

Muqdisho-KNN-Sida ay Sheegayaan Wararka laga helayo degaanka Mubaarak  ee gobalka Shabeelah hoose  diyaarado dagaal ayaa xalay duqeymo  la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa.

Dadka Degaaka Mubaarak oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa sheegay in duqeyn xalay ay maqleen,islamarkaana waxaa ay sheegeen in duqeyntaasi  lala beegsaday gaari hoomey ama caasi oo Al-Shabaab ay doonayeen inay ku soo xeraan waxyaabaha qarxa,inkastoo  la sheegay in hal galtaal lagu dhuftay gaarigaasi,halkaasina ay ku sugnaayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha soo gaaray  Al-Shabaabka   Duqeynta lala beegsaday,Waxaana sidoo kale la ogeyn diyaaraha duqeynta fuliyay Halka laga leeyahay.

Maamulka gobalka Shabeelaha hoose weli kama hadlin duqeynta xalay ka dhacday degaanka Mubaarak.

Degaanka Mubaarak  ee gobalka Shabeelaha ayaa hada waxaa maamula Al-Shabaab,kadib markii dagaal u dhexeeyay ciidamada xoogga iyo Al-Shabaab uu ku dhexmaray halkaasi,islamarkaana ay la wareegeen degaangaasi Al-Shabaab.

Diyaaradaha aan cidna waday ayaa inta badan waxaa ay duqeymo ka fuliyeen degaanada ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose oo ay taliyaan Dagaalamayaasha ka tisan Al-Shabaab.