Uncategorized

Diyaarado Duqeeyay Gobolka Jubbada Hoose

Baqdaad–KNN– Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan  Tuulada Baqdaad oo hoostagta Degaanka Hoosingow ayaa sheegaya in Diyaarado Dagaal ay Xalay Saqdhexe duqeeyeen,waxaana la sheegay in Duqeynta lala beegsaday Saldhig Al-shabaab ay halkaas ku lahaayeen.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Dhowr Gantaal lagu dhuftay Saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Baqdaad,waxaana la tilmaamay in ay jiraan Dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Diyaaradaha aan Cidna wadin ee Mareykanku leeyahay ayaa Duqeymo Xariir ah ka fuliyay Gobolada ku yaalla Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya,waxaana ugu dambeeyay Duqeyntii ka dhacday Duleedka Degmada Diinsoor Ee Gobolka Baay oo lagu dilay 100 Dagaalame.