Somali News

Diyaarado duqeyn ka fuliyay Gobolka Bakool & khasaaro ka dhashay

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada Itoobiya ayaa saacihii lasoo dhaafay duqeymo culus ka geystay deegaano ka tirsan Bakool.

Deegaanda ay diyaaraduhu duqeynayaan waxaa gacanta ku haya oo Al-Shabaab, goobaha la duqeeyay waxaa maalmahan ka socday dagaalo xooggan.

Deegaanada diyaaradaha Itoobiya duqeymaha ka geysteen waxaa ka mid ah degaan lagu magacaabo Garasweyne oo 50 KM galbeed ka xiga magaalada Xudur oo ah xarunta gobolka Bakool.

Goob-jooge la hadlay KNN ayaa u sheegay in diyaaradaha duqeynta ay ka fuliyeen deegaannada uu ka dhashay khsaaro naf iyo maal ah, wuxuuna xusay Hooyo iyo Caruurteeda ay kasoo gaartay dhimasho iyo dhaawac.

Itoobiya wali wax war kama aysan soo saarin duqeymaha diyaaraheeda ka geysanayaan gobolka Bakool. Balse waxaa xusid mudan in deegaanada la duqeenayo ay ku xoogan yihiin Alshabaab, waana goobaha ay kasoo abaabulaan duulaanka ay ku qaadaan dowlad deegaanka Soomaalida.