Somali News

Diyaarado gargaar u sida Beledweyne oo ka degay Guriceel

Laba diyaaradood oo gargaar u sida magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ka degay garoonka diyaaradaha magalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxana la socday wasiirka boostada iyo isgarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan.

Gargaarkaan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la gaarsiiyo magaalada Baladweyne si looga faa’iideeyo bulshada tabaaleysan ee ay saameysay fatahaada wabiga Shabeelle.

Kumanaan qoys ah ayaa xiligan waxaa ay Ku dhibaateysan yihiin deegaanka Ceeljaalle ee duleedka Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan