Uncategorized

Diyaarado sida gargaar oo maanta ka degay Xudur.

Xudur-KNN-Wararka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in diyaarado sida gar gaar ay ka degeen degmada Xudur ee gobolkaasi, oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagteen xaalad nolol xumi.

Diyaaradahan oo sida raashiin iyo agabyo kala duwan ayaa , waxaa ayna ka deegeen degmada Xudur ee gobolka Bakool, oo sicir barar uu ka jiro.

Diyaaradda oo sida Raashinka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la wareegay Agabkii saarnaa Maamulka degmada Xudur si Bulshada Magaalada loogu qeybiyo, hayeeshee ay xusid mudan tahay in gurmadkaas uusan ku filneyn

Gargaargan maanta la geeyay degmada Xudur ayaa waxaa loo qeybin doonaa shacabka wajahaya duruufaha adag ee ka jira gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Xudur ayaa sheegay in Gargaarkan uu yahay mid loogu tala-galay shacabka degmada oo ay heysato xaalad adeg oo bani’aadannimo, looguna Jawaabayo baahiyaha jira.

Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ayaa maalmahan ku sugan degmada Xudur ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya horey uu ugu dalbaday in ay gurmad deg deg ah la gaarto shacab ku go’doonsan  Degmada Xudur muddo 8 sano ah.