Muqdisho-KNN-Diyaarado dagaal oo ay leedahay Dowladda faransiiska ayaa si aan qorsheeysneeyd ugu degay Indonesia kadib markii ay soo wajahday cimilo aad u xun xilli ay ku jireen tabar military.
Diyaaradaha ayaa si nabad waxay ugu degeen Garoonka Sultan Iskandar Muda ee Ciidanka cirku ay leeyihiin Aceh, sida ay Saraakiil Dowladda Indonesia ka tirsan u sheegeen Wakaaladda Wararka ee AFP.
waxaa qorshuhu ahaa in ay ku noqdaan Saldhig uu faransisku ku leeyahay Jasiiradda Sumatra ee Indonesia, hase ahaatee xaalad adag aya soo wajahday taasi oo duliyeyaashii ku qasabtay in ay saldhig kale si deg-deg ah u raadsadaan.
Shan ka mid ah Diyaaradaha dagaalka ayaa si nabadka goor dambe u laabtay hase ahaatee waxaa dhiman labo kale in ay saldhigoodii ku noqdaan.