Somali News

Diyaarado waday dhaawacyada ciidamada dowladda Afghanistan oo isku dhacay.

Laba diyaaradood oo siday dhaawacyada ciidanka Afghanistan ayaa isku dhacay.

Waxaana lasheegay in labada diyaaradood ee isku dhacay oo ay lahaayeen ciidamada Afghanistan ay sideen ciidamo ku dhaawacmay dagaalka ka socda Koonfurta gobolka Helmand waxaana ku dhintay ugu yaraan 9 qof.

Dadka shilkaasi diyaaradeed ku dhintay waxaa ka mid ah askar ka tirsan ciidamada cirka Afghanistaan ee aadka u tababaran.

Shilkaasi oo Arabacadi gelinka hore ka dhacay degmada Nawa ayaa la sheegay iney sababatay cillad farasamo.

Deegaanka ay diyaaraduhu isku duqeeyeen maalmihi u dambeeyey waxaa ka socday dagaal culus oo u dhaxeeya ururka Taalibaan iyo ciidmada dowladda Afghanistaan oo gacan ka helaya diyaaradaha dagaalka Mareykanka.

Taalibaaniyiinta ayaa ka dagaallamaya deegaanno ku dhow magaalada Lashkar Gah oo horay uga soo qabsadeen hal degmo.