Somali News

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay saldhiyo ay ku sugnaayeen Shabaab.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaray gobolka shabellaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhacday duqeyn diyaaradeed oo laga fuliyay saldhigyo iyo kontarool Al-Shabaab gaadiidka ay uga  qaadayeen lacago.

Duqaynta ayaa ka dhacday inta u dhaxaysa deegaannada Goobaalle iyo Baladul-Amiin oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose.

Ilo  wareed ku sugan shabeelaha hoose ayaa inoo xaqiijiyay in duqeynta ay khasaaro ka soo gaartay Al-Shabaabkii lala eegtay.

Waxaana goobaha la duqeeyay ku sugnaa dagaalamayaal iyo saraakiil Al-ka tirsan Shabaab.

Al-Shabaab dhankooda war ay ka soo saareen waxaa ay ku sheegeen in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka so gaarin, balse dad shacab ah ay ku dhinteen, kuwaas oo saarnaa gaari marayay meel u dhow deegaanka baladul- amiin.

Shabab dadka dhintay waxaa ay magacyadooda ku kala sheegeen

1-Cabdi Samad Sheekh isxaaq

2-Cabdi Nuur Aaden

3-Cabdi Samad Xasan Yaroow