Uncategorized

Donald Trump oo bartiisa twitter-ka ku weeraray R/Wasaaraha Britain

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Ra’iisulwasaaraha Britain Theresa May u sheegay in ay diiradda saarto argagixisada UK ka dib markii ay ku dhaliishay in uu sii faafiyay muuqaalo ay Muslim nacayb ku jiraan oo ay baahiyeen qolyaha garabka Midig.

“Ha igu mashquulin ee diiradda saar kooxaha argagixisada ah ee xagjirka ah ee kharbudaadda ka wada Boqortooyada Ingiriiska,” ayuu Trump ku soo qoray Twitterka.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa mar sii horraysay sii faafiyay muuqaal ay onlineka soo dhigeen koox British ah oo dhanka midig u janjeera.

Afhayeen u hadlan May ayaa sheegay in ay khalad ahayd in uu madaxweyne Trump sidaa yeelo”.

Maraykanka iyo UK ayaa xulafo dhaw ah, badanaana waxaa lagu tilmaamaa in ay leeyihiin “xiriir khaas ah”.

xigasho:bbc