Somali News

Dood ka dhalatay in xarumaha ganacsiga sacuudiga la xiro marka la gaaro wakhtiga salaadda

Dadweynaha Sucuudiga ayaa si weyn uga hadlay arrinta ku saabsan in khasab ay tahay in xarumaha ganacsiga dalkaas la xiro, marka la gaaro xilligga salaadda, waxaana si wayn uga doodaya dadka isticmaala baraha bulshada.

Golaha shuurada ee Sacuudiga ayaa ka dooday in waajib ay tahay in ganacsatada ay albaabada isugu dhuftaan xarumahooda ganacsiga, marka la gaaro xilligga salaadda.

Qaar ka mid ah wargeysada ka soo baxa Sucuudiga ayaa ku warramay in golaha shuurada dalkaas ay u codeyn doonaan in la ansixiyo codsi ku saabsan sida ay waajib u tahay in la xiro xarumaha ganacsiga.

Waxaa codsi loo diray Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta oo la weydiistay in ay mas’uuliyiinta dalkaas kala shaqeeyso sidii meesha looga saari lahaa amarka ah in waajib ay tahay in la xiro xarumaha ganacsiga, xilliyada saaladda.