Somali News

Doodii ugu horeysay oo dhex martay Donald Trump iyo Joe Biden

Madaxweyne Donald Trump iyo musharraxa doorashada kula loollamaya ee Joe Biden ayaa yeeshay dooddi ugu kululeed oo muddo sanadaha ah laba musharax oo aqalka cad ee Mareykanka looga arrimiyo u tartameyso dhexmarta.

Labada dhinac oo ay wajiyadooda ka muuqatay xanaaq iyo caro, doodda ugu adag waxay ku dhexmartay arrima ay ka mid yihiin cudurka safmarka ee faayraska corona, dhaqaalaha, mudaharaadyada rabshadaha watay ee dalkaasi ka dhacay iyo arrima la xidhiidha qoysaskooda.

Doodda ka dhcaday Cleveland, Ohio ayaa ahayd dooddi ugu horreysay oo ka mid ah seddexda dood oo ay labada musharraxa yeelanayaan codbixinta doorashada ka hor.

Aragti dhiibashada ay dadweynaha sameeyeen ayaa muujineysa in Mr Biden uu xoogaha uu uga sarreeyo Mr Trump, iyada oo ay doorashada ka harsan tahay 35 maalmood oo keli ah.

Dooddi habennimadi talaadadi xalay ku dhexmartay Jaamacadda Case Western Reserve waxay ahayd mid ay dadku kala fogaanshaha looga hortagayo faafidda corona ku meel mariyeen, iyada oo laga booday dhaqanki soo jireenka ee ahaa iney labada musharraxa doodda ka hor iyo kaddibba is gacan qaadaan.

Dooddana waxaa shiishka lagu saaray lix mawduuc oo mowduuciba loo qoondeeyey 15 daqiiqo.

Mawduucyadaasi oo kala ahaa Macluumaadka musharrixiinta, Maxkamadda sare, Mudaharaadyada cunsuriyadda ka dhashay iyo rabshadaha magaalooyinka ka dhacay, hufnaanta doorashada iyo dhaqaalaha.

Doodda labada musharrax dhexmartay oo mararka qaar aflagaaddo iyo hadalla kulul ay isku dhaafsanayeen Mr Biden oo 77 jir ah, Mr Trump oo 74 jir ah wuxuu ku eedeeyey inuu cambaareyn cunsuriyadda dadka caddaanka ee aaminsan sarreynta midabka cadaanka isaga oo ugu yeeray “Eyga Putin”..

Wuxuu sida oo kale Biden uu Trump ku tilmaamay: “Madaxweynihi ugu xumaa oo abid soo mara dalka Mareykanka.”

Doodda oo mararka qaar shaqsiyadda qofka ku saabsaney, Mr Trump wuxuu soo bandhigay Mr Biden wiilkiisa inuu daroogada isticmaalo.