Muqdisho-KNN-Dadka reer Jabuuti ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta iyadoo dadweynuhu ay soo dooran doonaan baarlamaanka waddankaasi oo ka kooban 65 xubnood.
Maalmihii ugu danbeeyay ayaa dalka Jabuuti waxaa ka socday ololaha doorashooyinka Barlamaanka dalkaasi oo shalay si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ololahaasi, maantana guud ahaan dalka Jabuuti waxaa si rasmi ah looga dareeray goobaha Codbixinta.
Kuraasta baarlamaanka 10 kursi mooye inta kale waxaa heysta isbahaysiga talada haya ee MRD, taas oo muujineysa in baarlamaankii hore ay ku xooganaayeen xisbiga talada haya ee MRD.
Waxaana hadda xisbiga mucaaradka ay dadaal ugu jiraan sidii kuraas Barlamaanka ay ugu xooganaan la haayeen, waxaana jira culeysyo kala duwan oo soo wajahaayo kooxaha mucaaradka, maadaama wararka qaar ee soo baxayo ay tilmaamayaan in ay xooga saareen Magaalada jabuuti oo kalaliye maadaama ay awoodi waayeen in gaaraan deegaanada kale oo ay ka dhaceyso doorashada barlamaanka Wadankaasi.
Maalinta birri ah ayaa la filaa in lagu dhawaaqo natiijada rasmiga ah sida uu xaqiijiyay gudoomiyaha gudiga doorasha ee Jabuuti Diini Maxamed Burhaan.