Somali News

Doorashada Duqa Garowe iyo ku xigeenkiisa oo dhaceysa

Garowe-KNN-Maanta oo Arbaco ah waxaa xarunta PDRC ee Garowe ka dhaceysa doorashada Duqa Caasimadda Garowe iyo ku xigeenkiisa, sida la shaaciyay shalay kadib dhaarintii Xildhibaanada golaha cusub ee degmada Garowe.

Doorashadan oo ka xamaasad yar tii ka horeysay ee dhacday 2015-kii waxaa ku tartamaya Labo musharax oo u taagan qabashada duqa caasimadda, kuwaas oo kala ah Axmed Siciid Muuse iyo Axmed Abshir Jaamac.

Labada musharax mid walba waxa uu sheegay in uu wax ka qabanayo Amniga magaalada iyo muranka dhulka oo ah labo arrimood oo Garowe ka taagan, waxayna khudbadooda rasmiga ah maanta ka hor jeediyeen golaha deegaanka ee cusub.

Gudoomiyaha la dooran doono ayaa Magaalada wuxuu hogaamin doona mudada Shanta sano ee soo socota.

Xidlhibaanada Golaha Degaanka Garowe ee Dooranaya Gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ayaa waxay tiradoodu dhan tahay ilaa 31 mudane.

Wixii soo kordha la soco