Uncategorized

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo goor dhow bilaaban doonto

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in ay doortaan Guddoomiyaha hogaamin doono Golaha Shacabka, xilkaas oo ay u taagan yihiin 11 Musharax oo qaar kood iska casilay xilal waaweyn.

Doorasha ayaa ah mid loo gali doono loolan adag maadaama xilkaas ay u taagan yihiin musharaxiin  u badan kuwoo xilal ka soo tagay iyo kuwoo kale oo horay xilal kale dowladihii hore ka soo qabtay.

Wararka hoose ee soo baxa ayaa tilmaamaya in loolanka ugu adag uu dhaxmari doono ilaa iyo 5 Musharax, kuwaas oo kala ah.

Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal

Musharax Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen)

Musharax Saalim Caliyow Ibrow

Musharax Ibraahim Isaaq Yarow

Iyo Musharax Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe)

Xukumadda ayaa lagu eedeeyay in qaar ka mid ah musharaxiinta ay hoos ka riixeyso, waxaana si hoose loogu xaglinayaa Musharax Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Mursal oo horay u ahaa Wasiirka Gaashaandhiga xukumadda fedraalka Soomaaliya, haddana ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad roorashadaan.

Hotelada qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay waxaa ka dhacay kulamo gooni gooni ah oo lagu kala jiidanayo xildhibaanada Baarlamaanka, maadaama Doorashada keliya ay ka harsan tahay saacado yar.

Amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada Maka-Almukarama ayaa aad loo adkeeyay waxaana la filayaa in goor dhow ay bilaabato doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.