Somali News

Doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo maanta dhacaysa

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka dhacaysa doorshada Guddoonka Sare ee Golaha wakiilada  Baarlamaanka 2-Aad Ee Galmudug.

Saddax Musharax ayaa u taagan Guddoomiyaha Baarlamaanka labaad ee Galmudug, kuwaasi oo kala ah ,Dr. Maxamed Nur Gacal, Abdinasir Aden Cisman iyo Cali Shiino.

Magaalada Dhuusomareeb ee Caasimada maamulka Galmudug waxaa 24 saac lasoo dhaafay   ka socda olole xoogan ay wadaan qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudig iyo labadiisa kuxigeenka .

Musharaxiinta qaar ayaa xalay  waxay  taageero  iyo balan qaadka ay ka helayeen Xildhibaanada codkooda lagu kala baxayo,

Sadex kamid ah musharaxiinta u taagan Xilka Gudoonka Baarlamaanka gaar ahaan Gudoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ayaa wada olalaha ugu xoogan ee doorashada maanta  la filayo in ay dhacdo.