Uncategorized

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo goor dhow bilaabatay

Muqdisho-KNN-Waxaa goordhow bilowday doorashada Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka soconeysa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Waxaa Kulanka Baarlamaanka xaadir ah 262 xildhibaan, kuwaas oo maanta dooran doono Guddoomiye Golaha Shacabka.

Waxaa guuleysanaya musharaxii hela 50+1 Cod sida ay cadeeyeen Guddiga doorasha Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Shacabka ayaa ugu dambeyn maanta yeelan doona Guddoomiye labaad muddo labo sano gudahood, kaddib markii uu is casilay Guddoomiyihii hore ee golahaas Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo sanadkii hore loo doortay xilkan.

Waxaa u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya 10 Musharax oo kala ah.

  1. xil. Shariif Sheekhuna Maye

2- Xil. Mohamed Mursal Sheikh Abdirahman

3- Xil. Sharif Mohamed Abdalla Hussein

4- Xil. Mohamud Moalim Yahya

5- Xil. Iman Abdullahi Ali

6- Xil.Ibrahim Issac Yarow

7- Xil.Ali Sheikh Mohamed Nur

8- Xil.Prof. Salim Alio Ibro

9- Xil.Abdiaziz Hassan Mohamed

10- Xil.Idiris Abdi Taktar

Lasoco wixii ka soo kordha.