Somali News

Xildhibaano ku sii qulqulaya Afisyooni & guddoomiye Dhabancad oo Booliska u jeediyay baaq

Xarunta teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho waxaa ka socoto diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Hoolka doorashada ee ka dhaceysa ee teendhada Afisyooni waxaa kusii qul qulaya musharixiin u taagan qabashada xilka guddoonka golaha Shacabka iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaankaas oo uu ku jiro Guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha Shacabka Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad, isagoo ugu baaqay Xildhibaannada maqan inay si deg deg ah kusoo gaaraan si doorashada guddoonka loo qabto.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KMG ah oo Warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay Ciidamada Booliska Soomaaliya inay Xildhibaannada ka qaadaan  jidgooyooyinka si ay goobta doorashada Guddoonka Golaha Shacabka u soo gaaraan.

Hadalka Guddoomiyaha KMG ah ayaa imaanaya, iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya lagu eedeeyay in  Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ay u diideen inay u gudbaan xarunta teendhada Afisyooni taas oo lagu wado inay maanta ka dhacdo doorashada Guddoonka golahaas, xili Guddiga doorashada guddoonka golahaas ay wadaan diyaar garow la xiriirta doorashada.