Uncategorized

Doorashada Haweenka Baarlamaanka Federaalka Golaha Aqalka(Sawirro)

Muqdisho-KNN-Xafladan loo soo agaasimay laguna dhisayay Ururka Haweenka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Golaha Aqalka Sare ayaa lagu qabtay maanta Xarunta Golaha Aqalka Sare.

Ururkan oo ah Urur Mideeya haweenka Baarlamaanka kana shaqeeya danahooda iyo isku xirnaantooda.

MidowganHaweenkaBaarlamaankaayaaxubinafirfircoonakanoqonayaBaarlamaankaHaweenkaeeCaalamka.

Xafladdan waxaa ka soo qayb galay Senatarada Aqalka,Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Deqa Yasin, Midowga Haweenka GobolkaBanaadir, Xoghayaha Guudiyo Guddoomiyaasha Haweenka ee Gobolka Banaadir,Madax ka socotay Hay’adda Hormarinta ee UNDP, Bulshada Rayidka iyo Marti sharaf kale oo aad u qiimo badan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka waxaa loo doortay Senator Shukri Adam Maxamed oo hogaamin doonta Ururkan,Guddoomiye ku xigeenada waxa loo ka la dortay Senator Deqa Xasan iyo Senator Samsam Ibrahim Ali , halka Xoghayaha Guudna loo doortay Senator Samsam Dahir Maxamuud,iyo Khasnaji oo loo doortay Senator Fartun Cabdulqadir Faarax.

Wasiirka Haweenka ayaa u Hambalyeeysay Guddoomiyaha la doortay, dardaaran guudna siiyay dhamaan xubanha Ururka iyadoo Balan qaaday in ay iska kaashan doonaan arrimahan haweenka iyo hormarintooda.

Nahiida Xuseen oo ku Hadlaysay Magaca UNDP ayaa balanqaaday  In wadashaqayn dhow la yeelan doonto Hogaanka Ururkan Mideeynaya Haweenka Baarlamaanka ,waxayna balanqaaday taageero dhan walba ah.

Fanaanadda Caanka eeSoomaaliyeed Hibo Maxamed (HiboNuura) ayaa tixyaroo dardaaran ah oo qiirana ku dheehantahay ka jeedisay Xafladdii maanta.

Guud ahaan waxay ku soo dhamaatay Xafladdii Maanta Jawi wanaagsan.

Halkan ka Daawo Sawirrada: