Somali News

Doorashada kuraas ka banaan Golaha Shacabka oo lagu wado in goor dhow ay ka bilaabato Baydhabo

Baydhabo-KNN-Waxaa mardhow  lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka bilaabato Doorashada Sedax kursi oo kabanaan Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga koowaad ee doorashada lafilayo in ay maanta dhacdo magaalada Baydhabo ayaa Waxaa ku tartamaya labo musharax oo kala ah,

Musharax  Cali Sheikh Cabdullahi, iyo Musharax Siid-Cali Susmaan Xuseen,

Waxaan kursigaas horay u baneeyay Taliyihii hore ee Hey’adda Nabad sugida &Sirdoonka Qaranka, Xuseen Cusmaan Xuseen.

Halka kursiga labaad ay u tartamayaan labo musharax oo kala ah,

Musharax Nuur Siidoow Baaba-Xasan, iyo Musharax Fiqi cabdullahi mayow,

Waxaana kursigaas ka geeriyooday Ex Xildhibaan Axmed Roush,

Doorashada kuraastaas ayaa waxaa qabanaya Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.