Somali News

Doorashada kuraas ka mid ah golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo Garoowe iyo Dhuusamareeb

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalooytinka Garoowe iyo Dhuusamareeb oo caasimado u kala ah Maamulada Puntland iyo Galmudug in lagu qabto doorashada qaar ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo ay hore u shaaciyeen.

Kuraasta maanta lagu dooran doono Magaalada Garoowe ee Puntland waxaa ay gaarayaan afar kursi waxaana uu tirsigoodu yahay, sida ay hore u shaaciyeen Guddiga Maamulka Doorashada Maamulkaas.

1: Hop128 oo uu ku fadhiyo Maxamed Cabdi Kaafi Maxamed ay ku tartami doonaan

Maxamed Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Faarax Cali iyo Xersi Jaamac Gaani oo ah Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland.

2: Hop 223 oo uu ku fadhiyo oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri, waxaana u sharaxan Saciid. Maxamed Warsame

3: Hop232 oo uu hadda ku fadhiyo Cabdirashiid Daahir Gaboobe ayaa waxaa ku tartami doona Fardowso Cismaan Cigaal, Saciido Faarax Warsame iyo Cabdiqafaar Cilmi Xaange

4: Hop144 oo uu ku fadhiyo Feysal Cabdulle Guuleed, balse waxaa u sharaxan Caasha Axmed Maxamed.

Dhinaca kale, Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa iyaguna la filayaa in Dhuusamareeb ay ku qabtaan Doorashada Afar kursi kuwaa oo ka mid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya islamarkaana ay ku tartaramayaan musharixiin hore ugu fadhiday afartii sano ee lasoo dhaafay iyo kuwa ku cusub.

Kuraasta maanta la filayo in doorashadoodu dhacdo waxaa ay gaarayaan afar kursi waxaana ay kala yihiin.

1: Kursiga uu tirsigiisu yahay HOP-248 waxaa haatan u sharxan musharixiin uu ka mid yahay aliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq Cumar Xasan oo loo garan ogyahay Saadaq John,  waxaana hadda ku fadhiyo kursigaasi Xil- Maxamed Axmed Abtidoon.

2: Hop064 oo ay hadda ku fadhiso Sahra Cumar Maalin, waxaana kursigaas ku tartami doona Maxamed Cali Cajiib & Cabdullaahi Iimaan Faarax, waxaana la sheegay in Sahra Cumar Maalin ay ka tanaasushay tartanka.

2: HOP096 oo uu ku fadhiyo Cabdi Casiis Cilmi Cali, waxaana ku tartami doona  Qaali Axmed Diiriye &  Xakiimo Xirsi Cali, kuwaas oo qaatay Shahaadada Murashaxnimada.

4: Kursiga HOP 089 oo uu ku fadhiyo Cabdi Shire Jaamac, balse uu sheegay in uusan u tartameyn ayaa waxaa ku tartami doona Saddex musharax oo kala ah Yaasiin Cabdi Jaamac,  Qaasim Cabdikariin Cilmiseed iyo Baar Maxamed Raage.