Somali News

Doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka oo Maanta lagu wado in ay ka dhacdo Garoowe

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta Lagu wadaa in  Magaalada Gorowe ee Gobalka Nugaal lagu qabto  doorashada mid ka mid ah buuxinta kursiga ka bannaan golaha shacabka ee deegaan doorashadiisu ay tahay Putlaland.

Waxaana ku tartami doono kursiga labada musharax ee kala ah Maxamud Cabdulah Maxamed iyo Wasiirka wasaaradda qorsheynta dowlada Federaalka Soomaaliya  Jamaal Maxamed Xasan.

Korsigaan ayaa waxaa horay isaga casilay xildhibaan Dahaar Cali Faarax, kadib markii loo Magacaabay Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti.

Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee qaabilsan doorashadda kursiggan ayaa maalmo ka hor gaaray magaalada Garowe, waxaana ay xaliyeen Cabasho ka taagneyd doorashadda kursiggaan.