Somali News

Doorashada Kursiga HOP#086 oo ka dhacday Muqdisho

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta Muqdisho ku qabtay doorashada kursiga sumadiisu tahay HOP#086, kaasoo deegaan doorashadiisu eheyd Beledweyn balse laga soo wareejiyay.

Xildhibaan Dr. Maxamed Sheikh Axmed ayaana ku guuleystay Kursiga Hop #086 oo 10-kii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyay Wasiir Faarax Sheekh C/qaadir.

Kursigan oo hore uu usoo qaatay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa loo diiday sababa la xiriiray in aan la marin habraaca doorashada, Gudigii doorashada ee xiligaas ayaana laalay natiijada kursigaasi.