Somali News

Doorashada madaxtinimada oo maanta ka bilaabatay Mareykanka

Washington-KNN-Dadka Maraykanka ayaa u dareeraya xarumaha laga codeeyo si u soo doortaan m/weyne iyo xigeenkiisa oo ay u tartamayaan m/weynaha hadda talada haya Donald Trump iyo Jo Biden oo m/weyne ku xigeen soo noqday.

Qiyaastii 100 million oo qof ayaa la diwaan galiyay oo codaynaya kuwaasoo illaa birri codayn doona.

Musharaxiinta tartamaysa ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii ay codad badan u heli lahaayeen.

Afti ururin lasii sameeyay waxay muujinaysaa in musharaxa Joe Biden uu haysto codadka ugu badan inkastoo wax isbadali karaan.

Qofkii hela ugu yaraan 270 cod oo codadka loo yaqaan  electoral college,ka ayaa noqonaya m/weynaha dalka

Tirada guud ee codadkaas waa 538 cod.

Dawladaha caalamka ayaa isha ku haya natiijadda doorashadaan maanta Maraykanka bilaabanaysa.

Hogaamiyaha diinta dalka Iran Ayatullahi Cali Khamaney ayaa sheegay inay waxba kusoo kordhin doonin siyaasadoo cid kasta oo la doorto.