Uncategorized

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo goor-dhaw bilaabatay.

Jowhar-KNN-Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan ilaa 8 Murashax ayaa goor-dhaw ka biaabatay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye Yuusuf Abuukar Ibraahim oo ku sugan Hoolka doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo sheegayo in doorashada ay toos uga bilaabatay Jowhar waxaana goob joog ka ah Xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya iyo Saraakiil ka socota IGAD.

Doorashada ayaa ku socoto jawi dagan waxaana la sheegay ay joogaan Xildhibaanada Maamulka Hirshabeelle intooda badan waxaana toos u socdo Codeynta iyadoo amaanka aad loo adkeeyay.

Dadka ka qeyb galayo ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka wasaaradda Arimaha Gudaha Soomaaliya Xubno ka socda Midowga Africa IGAD iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo ah kor joogtada doorashada dhaceysa.

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka ayaa ku sugan Magaalada Jowhar ee Xarunta Hirshabeelle kuwaas oo qaar kood gaaray Jowhar Arbacadii islamarkaana qiimeen ku sameynayay sida ay wax u socdaan.

Doorashada oo bilaabatay saakay ayaa dib loogu Celiyay kadib markii la ogaaday in uu liiska warqadaha codeynta uu ka maqan yahay magaca mid ka mid ah Murashaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Hirshabeelle.

 

La soco Wixii ku soo kordho.