Uncategorized

Doorashada Madaxweynaha Hirshabeelle oo lagu wado in dib loo dhigo

Muqdisho–KNN–Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle ayaa sheegaya in la filayo in dib u dhac uu ku yimaado waqtiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.

Xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa kulan ku leh magaalada Jowhar, waxaana la filayaa inay soo saaraan go’aan ah in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle.

Sababta ka dambeysa dib u dhaca doorashada ayaa lagu sheegay inay tahay is qabqabsi u dhaxeeya musharixiinta ku tartamaya xilka madaxweynaha Hirshabeelle, kaasi oo qaab beeleed ku saleysan.

Ma jiro ilaa iyo hadda musharax buuxiyay dhamaan sharuudaha doorashada madaxweynaha ee laga doonayo, waxaana ilaa iyo hadda guddiga doorashada Hirshabeelle aysan qaban araajida musharixiinta xilka dooneyso.

Guddiga doorashada,  ayaa marka ay qabtaan araajida musharixiinta waxay bixinayaan shahaado muujineyso in musharaxa uu tartami karo.

12 bishaan ayaa horey loo qorsheeyay inay dhacdo doorashada madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana soo baxaya in maalmo kale lagu dari doono.