Uncategorized

Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle oo Dib loo dhigay

Jowhar–KNN– Guddiga Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle ayaa Baarlamaanka Maamulkaas u diray Codsi ay kaga Dalbanayaan in dib loo dhigo Doorashada  Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Intaas ka dib ayaa waxaa Kulan Deg Deg ah yeeshay Baarlamaanka Maamul Goboleedka Hirshabelle,waxaana ay Ansixiyeen in Dib loo dhigo Doorashada Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in Doorashada Madaxweynaha la qabto Maalinta Sabtida ah ee soo socota islamarkaana sidaa la isla gartay.

Guddiga Doorashada Maamulka Hirshabelle ayaa horay u sheegay in aysan marna dib u dhici doonin Doorashada Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle,balse hadda waxaa la isla gartay in Doorashada Dib loo dhigo.