Somali News

Doorashada madaxweynaha oo goordhow bilaabatay

Muqdisho-KNN-Waxaa goordhow xarunta Ciidanka Cirka ee Afasiyooni ka bilaabatay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Hoolka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa waxaa ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka, xildhibaanada Dowladda Federaalka, Musharaxiinta, Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo xubno ka socda Beesha Caalamka, si ay ula socdaan qaabka ay u dhaceyso Doorashada.

Ammaanka guud ahaan Magaalada Muqdisho ayaa ah mid aad loo adkeeyay, dadkuna waxa ay dhagta ku hayaan Warbaahinta maqalka iyo mida muuqaalka.

35 Musharax ayaa Maanta ku tartamaya xilka Madaxwrynaha Soomaaliya, waxaa ay kala yihiin:-

1: Xasan Sheekh Maxamuud

2: Xuseen Cabdi Nuunow

3:Jamaal Axmed Ibraahim (Tifoow)

4: Mahad Axmed Diiriye

5: Maxamed Cabdiraxmaan Cali

6: Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

7: Maxamed Amiin Faarax

8: Maxamuud Daahir Aweys

9: Mukhtaar Maxamed Sayid

10: Nucmaan Sheek Cumar Cismaan

11: Cumar Cabduqaadir Axmed Fiqi

12: Cusmaan Xasan Weheliye (Xasan Bariisc)

13: Ridwan Xersi Maxamed

14: Saciid Ciise Maxamuud

15: Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni)

16: Shariif Sheekh Axmed Sheekh Maxamud

17: Thaabit  Cabdi Maxamed

18: Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi

19: Cabdi Aadam Hoosow

20: Cabdi Cali Xassan

21: Cabdi Maxamed kuusow

22: Cabbdinaasir Cabdulle Maxamed

23: Cabdinuur Sheekh Maxamed Maxamuud

24: Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame

25: Cabdiraxman Macalin Axmed Maxamed (Ablaal)

26: Cabdiraxman Maxamed Cabdi Xaashi

27: Cabduqaadir Xuseen Maxamed (Jaahwayn)

28: Abdulkadir Cosoble Cali.

29: Cabduqaadir Sheekh CaIi Ibraahim (Baqdaadi)

30: Cabdullaahi Cali Axmed (Caddoow Cali Gees)

31: Cabdullaahi Cali Xasan

32: Abuukar Aadan Cabdulle

33: Axmed Ducaale Geelle (Xaaf)

34: Bashir Xaaji Cali

35: Xasan Cali Kheyre

36-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan