Somali News

Doorashadda madaxtinimada dalka Algeria oo waqti loo qabtay

Muqdisho-KNN-Guddiga doorashadda dalka Algeria ayaa ku dhawaaqay bisga soo
socota ay dhacayso wareega ugu dambeeya doorashada madaxtinimada
dalkaasi oo markaan ay isku soo hareen 5 musharax oo kaliya.
Madaxa guddiga doorashada Max’ed Shoorfi waxaa uu sheegay in 12 bisha
dambe ee December ay dadka dalkaas u codeyn doonaan madaxweynaha
soo socda waxaana uu intaa ku daray in 5,ta musharax ee isku soo haray ay
aqbaleen waqtiga la qabtay.
R/wasaarihii hore ee dalka Algeria C/majiid Tebuune ayaa ka mid ah liiska
musharaxiinta lagu dhawaaqay inay wareegaan u gudbeen.
Illaa iyo 23 musharax ayaa markii hore isku sharaxay doorashadaan oo
qorshuhu ahaa in la qabto bilowgii bishii July ee sanadkaan hase ahaatee
markaas dib u dhacday.
Tan iyo wixii ka dambeeyay april ee sanadkaan dalka Algeria waxaa ka jiray
qalqal siyaasadeed taasoo keentay inuu is casilo madaxweynihii dalkaas.